U bood dhigaalka

Ciidanka Somaliland Oo Heegan La Geliyay

Sheeko:Dalka

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Sarreeyo Guud Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa ammar ku bixiyay in heegan buuxa la geliyo dhammaan ciidanka, nabad galyada oo lasii adkeynayo awgeed.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu shir ballaaran la qaatay dhammaan saraakiisha ciidamada ee maamulka Somaliland, isaga oo sheegay in amniga sare loo qaadayo.

“Waxaan ammar ku bixiyay in la sugo amniga guud ee dalka, waxaan ammar ku bixiyay in heegan buuxa la geliyo ciidamada qaranku meel walba oo ay joogaan, qatar hadda jirto malahan, laakiinse waxaan dooneynaa in amnigeena sii xajisanno” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale Taliye Fadal ayaa digniin u diray darwallada gaadiidka sida xowliga ah ugu dhex wada Waddooyinka waaweyn ee deegaannada Somaliland, iyadoo mararka qaar ay galaan shilal, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliisku ay caawin doonaan kuwa ilaalada wadooyinka, gacantana lagu dhigi doono cid walba oo ku xad gudubta Isticmaalka waddooyinka.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray rabshado iyo dilal ka dhacay deegaanno ka mid ah Somaliland, taasi oo keentay in ciidanka amniga ay Laba jibbaaraan howlgallada dhanka amniga ah.

Goobjoog News