U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Guulo Ka Sheegtay Dagaalkii Gobolka Galgaduud iyo Deegaanno ay Gaareen

Sheeko:Amniga

Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa dagaallo maanta gobolka Galgaduud ku dhex maray ciidamada xoogga dalka qeybta 21-aad, kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti iyo kuwa nabad sugidda oo ay wehliyaan kuwa Galmudug iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ah ay howlgallo ka bilaabeen deegaanno ka tirasan gobolka, kuwaas oo dhaca duleedka Koonfureed ee magaalada caasiadda ah Dhuusamareeb, xoogga dalka ayaana kuulo ka sheegtay dagaalkii maanta dhacay.

Saraakiisha hoggaaminayso howlgalka ayaa sheegay in ay la wareegeen deeggaanno dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana ka mid ah deegaanadaas Bulacle, Xirsi-fiin, Cada-xaar, Ceel-guureeye iyo God-dhurwaa kuwaas oo koofur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Taliyaha ciidamada qalabka sida General Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay radiyaha ciidamada ayaa sheegay in dagaalkii maanta lagu dilay horjoogaayaal ka tirsan Al-shabab, kuwaas oo gaarayo ilaa 16, sida uu hadalka u dhigay taliye Odawaa Yuusuf Raage.

Saraakiishu waxaa kale oo ay sheegeen in ay ku dhowaanayaan deegaanka Ceel-garas oo ku dhowaad 10 sano ay maamulayeen Al-shabab, waxaana sidoo kale saraakiishu sheegeen in howlgalka ay sii wadayaan tan iyo inta ay gaarayaan deegaannada ka maqan gacannta maamulka Galmudug.

Howlgalladaan ka bilowday deegaannada Galmudug ayaa waxaa ay imaanayaan iyadoo dhowaan madaxweynaha maamulkaasi iyo wasaaraddiisa amniga si isku mid ah ay u sheegeen in la bilaabayo howlgallo ciidamadu ku gaarayaan deegaannada ka maqan gacanta maamulka.

Goobjoog News