U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Sameeyay Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Shabeellaha hoose iyo Hiiraan, kuwaas  oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, Sakaakiisha howlgalka hoggaaninayso ayaa sheegay in ay burburiyeen fariinno ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Deegaannada howlgallada gaar ah laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka, Gendershe, iyo degaano kale, ciidanka ayaa sheegay in howlgalladaan u jeedkoodu ahaa sidii loo burburin lahaa xarumo iyo Maxkamado ay lahaayeen Al-shabaab, kuwaas dhaca Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Ciidamada dowladda federalka oo taageero ka helaya kuwa Macawisleyda ayaa howlgallo kawada deegaanno badan oo ka kala tirsan Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ciidanku ay la wareegeen deegaanno badan oo ay horey ugu sugnaayeen Al-shabaab sida ay ku dhawaacday dowladda federalka.

Goobjoog News