U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo La Wareegay Yasooman iyo Dhaqdhaqaaqyo Laga Dareemayo Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta markale dib ula wareegay deegaanka Yasooman ee dhaca gobolka Hiiraan, kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay dib uga soo baxeen, sababo ay ku sheegeen xeelado Milatari, waxaana sidoo kale ciidanku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo amniga lagu sugayo.

Deegaanka Yasooman  oo hoostaga degmada Buulo Burde iyo Moqokari ayaa waxaa horey isaga  baxay ciidanka dowladda, waxaana ay u kala ruqaansadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulo Burde, iyadoo saraakiisha ciidanku ay sheegeen in ay dib ugu laaban doonaan deegaannadaa, waxaana wali aysan ku noqon Moqkori oo ay ku wajahan yihiin

Al-shabaab ayaa deegaannadaa dib u qabsaday kadib markii ay ka baxeen ciidanka Huwanta ah, deegaanka ayaa waxaa maanta gudaha u galay ciidan badan oo ka tirsan xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, waxaana uu ku soo aadayaa xilli ay gobolka ay ka jiraan howlgallo ay ka wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan iyo gobollada Shabeellooyinka ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo ay wadaan ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka, deegaanka Cadale ayaa waxaa maanta gaaray ciidankii ugu badanaa ee dowladda kuwaas oo ku wajahan deegaannada gobolka.

Goobjoog News