U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Al-shabaab ayaa waxaa ay ku dagaalameen deegaan hoos taga degmada Gurceel ee Koonfurta Gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanku ay weerar ku qaadeen Jaaw oo ah deegaan 57km u jira magaalada, kaas oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan xooggaga Al-shabaab.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Guriceel Cabdishakuur Indho oo la hadlay warbaahinta Galmudug ka howlgasha ayaa sheegay in ciidanku ay xalay weerar ku qaadeen deegaan, waxaana uu intaas raaciyay khasaare ay ugu geysteen Al-shabaab, walow uu meesha ka saaray khasaare dhankooda kasoo gaaray howlgalka ay ku qaadeen Jaaw.

Ciidanka ayaa howlgallo waxaa ay ka wadaan nawaaxiga deegaanka iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana dagaalkaan uu ku soo aadayaa iyadoo Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud. Waxaase lagu soo waramayaa inuu degan yahay deegaankii xalay ciidanka iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen sida ay sheegayaan wararka ka imaaanaya.

Goobjoog News