U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga iyo Al-shabaab oo Ku Dagaalamay Gobolka Hiiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka waday gobolka Hiiraan ayaa Al-shabaab saakay kula dagaalamay Cutubyo ka tirsan deegaanka lagu magacaabo Bukure oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolkaas, dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka dhacay uu ahaa mid aad u culus ee u dhaxeeyay labada dhinac.

Dagaalkan ayaa waxaa hogaaminaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ciidan, howlgalka oo  maalmahanba ka socday inta u dhexeysa Baladweyne iyo degmada Maxaas, ayey sheegeen saraakiisha ciidanka in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab sida ay hadlka ay u dhigeen.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa maalmihii tagay ka socday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo ciidanku ay ku gaareen deegaanno dhowr ah, howlgalladaan ayaa intooda badan waxaa ay ahaayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayo,  Alshabaab ayaa xadka gobolka ay kula dagaalameen ciidanka Itoobiya.

Goobjoog News