U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen deegaanno dhowr, kuwaas oo hoos taga gobolka, waxaana saraakiisha howlgallada hoggaaminaysay ay sheegeen in ay burburiyeen fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab.

Degaannada  ciidanku howllada ku gaareen ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa ay horay u joogeen xoogagga Al-shabaab, iyadoo ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga gobolka, Baladul  Amiin, Buulo Cadey,Buulo war muusow,Buulo jamal eenow ayey ciidanku ku gaareen howlgallada ay fuliyeen.

Taliyaha Ururka 64-aad  ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Cabdullaahi Halac oo Howlgalka Hogaaminayey ayaa sheegay in ciidanka dowladda ay burburiyeen, Fariisinno ay lahaayeen Al-shabaab iyo goob u aheyd, waxaana uu sheegay in howlgallada socda ay siiwadi doonaan ciidanka.

Ciidanka xooga dalka ayaa waayihii dambe howlgallo kale duwan oo ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka wadeen gobollada dalka, gobolka Shabeellada hoose oo daris la ah caasimadda ayaa ciidanku waxaa ay ka sameeyaan howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka.

Goobjoog News