U bood dhigaalka

Ciidanka xoogga oo bandhigay xubin Al-shabaab ah oo Isku soo dhiibay

Sheeko:Amniga

Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed, ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Cali Xuseen Cumar oo ka tirsanaa oo kasoo goostay Al-shabaab, kadibna isku soo dhiibay ciidanka dowalddda ee ku sugan Baay.

Cali 9 Sano ah ayuu ka tirsanaa  Al-shabab, isagoo u qaabilsana jabhadda,warbaahin ciidanka dowladda ayuu u sheegay sababta  ‘’Waxaan udkeysan Waayey go’odoonka Al-shabab ku jiro Waxaan go’aansadey in qoyskeyga dib u la midoobo,,.

Dhanka kale saaxibadiisa ku jira Kooxda  Al-shabab ugu baaqey in isku dhiiban ciidanka xoogga dalka, waxaana uu sheegay in si wanaagsan loo soo dhoweeyay markii uu isku soo dhiibay ciidanka, isagoo kasoo shaqeeyay gobollo kale 9-kii sano.

Ciidanka xoogga dalka ayaa dhowr jeer waxaa ay soo bandhigeen rag ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay iyaga dhankooda, waxaana ugu dambeeyay xubin Al-shabaab ah oo iska dhiibay qeybta 21-aad degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Goobjoog News