U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa guulo ka sheegtay dagaal saakay ka qarxay Tuulada Jiciboow oo qiyaastii 25km u jerta degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan, dagaalka ayaa soo gaaray gabaldhicii, labada dhinac ayaa dagaalka isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kale duwan, isaga oo sababay khasaare badan.
Qoraal lagu baahiyay warbaahinta ciidamada qalabka sida ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii maanta dhacay lagu dilay wax ku dhow 200 oo askari ka tirsan Al-shabaab, sida ay sheegeen ciidanka, waxaa kale oo qoraalka lagu xusay halkii lagu dagaalamay ay ciidanku la wareegeen , sida lagu xusay qoraalka ay baahisay idaacadda ciidamada.
Maxamed Shiine oo ah guddoomiye ku xigeeenka Maamulka iyo Maareynta ee degmada Buula-Burde ee gobolka Hiiraan oo warbaahinta Qaranka u sheegay ayaa sheegay in dagaalkii saakay bilowday lasoo gabagabeeyay, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan xubno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka sida uu hadalka u dhigay.
Ciidanka dowladda iyo dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab ayaa bilowday waabarigii hore ee saakay isaga oo soo gaaray caawa Maqribkii, Al-shabaabka weeraray deegaanka Jiciboow ayaa la sheegay in ay ka gudbeen wabiga Shabeelle sida lagu sheegay qoraalka ay baahisay dowladda, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.