U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Howlgallo Ka Sameeyay Deegaanno Ka Tirsan Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo waxaa ay ka sameeyeen deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha hoose, kuwaas oo hoos taga degmada Afgooye, howlgal ay ciidanku ku gaareen deegaanka Mubaarak ayaa lagu sheegay in ciidanku ay ku baadi goobayeen xarun Maaliyadda  in Al-shabaab ay isugu yeeraan dadka ay rabaan lacaga sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid bartilmaameed ah oo lagu beegsaday halka ay ugu yeeraan Argagixisada xarunta Maaliyadda, waxaana xilliga howlgalka uu dhacay ku sugnaa horjoogayaal sar sare iyo maleeshiyaad Argagixiso ah” ayuu yiri sargaalka la hadlay Warbaahinta Qaranka, kadib markii uu soo idlaaday howlgalka ay ciidanku ka fuliyeen Mubaarak.

Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa sidoo kale ay howlgallo ka fuliyeen deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca gobolka sida  Markaska, Buulo Riski, Jaran iyo deegaano kale oo hoos taga Afgooye, ciidanka ayaa gobolka ka waday muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyaga oo dhowaan howlgal ka sameeyay deegaanka Basra oo ay maxkamad ku leeyhiin.

Goobjoog News