U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Isku Furay Degmooyin Bay iyo Bokool Dhaca

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sacaadihii ugu dambaayey waxaa ay howlgallo kasaameeyeen gobollada Bay iyo Bokool, howlgalka ayaa waxaa qorsihiisu ahaa isku firista deegaanno muddo u go’doonsanaa xogga Al-shabaab oo ku sugan  qeybo kamid ah labaas gobol.

Ciidamada ayaa qaaday howlgalkaan iyaga oo isku furay wadooyin xariiriya degamooyinka Tiyeeglow, Waajid iyo Qansaxdheere, waxaana hogaaminayay taliyaha Ururka 45-aad guutadiisa 8-aad, qeybta 60-aad ee xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey, ciidanka howanta ah ayaa ku guulaystay isku furista wadooyinka xiriiriya degmooyinka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in wadooyinka la furay iyo aagooda laga saaray xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa, degmada Waajid oo ka tirsan Bokool ayaa dhowr jeer waxaadhacday in  Al-ashaab ay ku gubeen gaadiid waday Raashin oo ay la haayeen ganacsato kuna sii jeeday magaalada Xudur oo gobolka xarun u ah.

Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan magalada Xudur uu gaaray  taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage, waxaana ciidanka xoogga iyo ATMIS uugu baaqay in la qaado howlgallo lagu furayo deegaannada muddooyinka u go’doonsanaa xoogga Alshabaab ee dhaca  goboladda Bay iyo Bokool.

Goobjoog News