Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo muddooyinkaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgal la fuliyay lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Buq -aqable oo hoostaga magaalada Baladweyne.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Qaran ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 dagaalame oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka Danab oo howlgal ku gaaray deegaankaan Buq -aqable.