U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Ka Warbixiyay Howlgallo Laga Sameeyay Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Ciidanka Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 5aad Guutada16  Danab  oo  Howlgallo Qorsheysan oo lagu amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno hoos taga gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen horjooge ka tirsan Al-shabaab, sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda.

Deegaannada kala ah Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, kanjaroon Iyo Warta Biloow oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose, ayey saraakiisha ciidanka ee hoggaaminaysay waxaa ay sheegeen in gacanta lagu dhigay lagu magacabo Xasan Cabdullaahi Abshir oo ku magac dheer ABu Faaruq, kaas oo u qaabilsanaa dhanka Miinooyinka.

Ciidanka ayaa sheegay in sidoo kale ay soo saareen  Miinooyin ay Dhulka ku aaseen Al-Shabaab, iyagoo doonayey in  sida uu warbaahinta dowladda u sheegay taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed   Carab dheeg Axmed oo hoggaaminaayay howlgalka ay qaadeen ciidanka DANAB.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska DANAB  ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Biyo Dhaamin u sameeyay Shacabka ku dhaqan Deegaannadaas, waxaana ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab oo ka socda gobollada dalka, gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud iyo deegaanno dhaca Koonfur Galbeed.

Goobjoog News