U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Kaashanay Dadka Deegaanka oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Bokool

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa waxaa howlgallo ay kula wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Bokool, kuwaas oo hoostaga magaalada Xudur  oo muddo ay go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, ciidanka ayaa sinabad ah kula wareegay deegaannada, kadib markii ay Al-shabaab isaga baxeen.

Deegaannadaan oo dhowr iyo toban sano ay ku sugnaayeen oo ciidanku gaareen ayaa waxaa kamid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley, kuwaas oo hoostaga degmada Xudur, majirin dagaal ka dhacay deegaannadaan, ciidamada ayaa muddooyinkii dambe howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday gobolka Bokool.

Gobolka Bokool ayaa waxaa uu kamid yahay gobollada ay deegaannada ugu badan ay ka joogaan Al-shabaab, waxaana ay go’doon galiyay magaalada Xudur, iyaga oo dhowr jeer gubay gaadiid siday ganacsiyo kala duwan oo ku sii jeeday Xudur, waxaana hadda ka bilowday howlgallo ay qeyb ka yihiin dadka deegaanka iyo ciidanka xoogga.

Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, dadka deegaanka oo taageero ka helaya qeybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgallo ka wadaan gobollada Baay iyo Bokool, kuwaas oo deegaanno badan ay kala wareegeen Al-shabaab, kuwaas oo dhowr iyo toban sano maamulayay deegaanno badan oo Baay iyo Bokool ah.

Goobjoog News