U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad oo kaashanaya kuwa deegaanka ee lagu magacaabo Macawisleyda oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka waday gobolka Hiiraan ayaa deegaanno hoos taga magaalada Baladweyne waxaa ay ku gaareen dhowr deegaan, kadib markii ciidanku ay qaadeen howlgallo wadajir ah.

Ciidamada ayaa waxaa ay howlgalka ku gaareen deegaanno 3 deegaan oo dhaca galbeedka magaalada Baladweyne, kuwaas oo kala ah Wardhabeelle Baar iyo Luuq-jelow, waxaana muddooyinkii dambe ku sugnaa xooggag ka tirsan Al-shabaab, waxaana deegaannada booqday mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Xubno uu kamid yahay wasiirka wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa booqdey goobaha ay ciidanku la wareegeen, Taliya ku-xigeenka qeybta 27aad ee cidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Col Isaaq Shambal ayaa shregay in howlgallada Hiiraan ay sii socon doonaan.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo waxaa ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo dhaca waqooyiga , howlgalkaan ayaa waxaa hoggaaminayo mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle oo uu kamid yahay guddoomiyaha gobolka Cali Jeyte Cismaan.

Goobjoog News