U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Warbixiyay Howlgalladii Ugu Dambeeyay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo is abaabulay ayaa howlgallo xoogan waxaa ay kawadaan gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhan ah Al-shabaab, howlgalkaan oo hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa saaraakiishu ay sheegeen in ay ku fashiliyeen kii ugu dambeeyay Miinooyin lagu aasay waddada xiriirisa deegaannada Kalabayr iyo Jiracle .

Saraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka ayaa sheegay in guulo waaweyn laga gaaray howlgalka socda sida ay hadalka u dhigeen, howlgalkaan ayaa bilowday kadib markii xoogagga Al-shabaab ay burburiyeen  Ceel biyoodyo, sidoo kalena ay gubeen guryo ay lahaayeen dad shacab ah oo ku yaalla, miyiga fogfog ee gobolka Hiiraan ee maamulka  Hirshabeelle.

Ciidanka ayaa howlgalkaan markii la bilaabay ilaa iyo xilligaan waxaa ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanno dhowr ah, kuwaas oo dhaca inta u dhxeysa degmooyinka Maxaas iyo Matabaan, Alshabaab ayaa wali iyagu go’doon ku haya magaalada Buulo Burde, iyagoo ku sugan deegaanno dhowr ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Goobjoog News