U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga oo Warbixiyay Howlgallo Laga Fuliyay Deegaanno Ka Tirsan Galgaduud

Sheeko:Amniga

Howlgal qorsheysan oo Ururada 6aad iyo 3-aad ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka ay ka sameeyeen degaanka Sino dhaqo oo 25 km u jiro degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud oo ay ciidanku la wareegeen maalintii shalay, ciidanka ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka ayaa howlgalkooda ku gaaray tuulooyin deegaannada  Sinidiqo Labi-dule, Ceel- guusar, iyo tuulooyin hoostaga, kuwaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, saraakiisha howlgalka hoggaaminaysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay 10 ka tirsan Al-shabaab sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay.

Taliyaha guutada 17-aa ee Kumaandooska Gor-gor ciidanka xoogga dalka Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdule waxaa uu warbaahinta a Qaranka u sheegay in ay guulo waa weyn ka gareen howlgalka,iyadoona ciidanka Xoogga wali howlgalo ka wada gobollada Galgaduud  iyo Hiiraan, ayna sii wadi doonaan howlgallada socda Galmudug.

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii tagay waxaa ay ciidamo ku daabushay ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo u jedkiisa lagu sheegay gaaritaanka magaalada Ceelbuur.

Goobjoog News