U bood dhigaalka

Ciidankii Ku Dagaallamay Magaalada Gaalkacyo Oo La Kala Qaadayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in la kala qaado ciidankii dhawaan ku dagaallamay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, ka dib waan waan halkaasi ay ka wadday xukuumadda Soomaaliya.

Ciidamadaan isku hor fadhiya Gaalkacyo ayaa saameyn xooggan ku yeeshay adeegyadii ganacsiga, isku socodka dadweynaha, iyo deganaanshiyaha guud ee magaaladaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidan ee ku sugan Gaalkacyo, kana gaabsaday in la baahiyo magaciisa ayaa inoo xaqiijiyay in maanta la qorsheynayo kala qaadista ciidamadaan.

Dowladda Soomaaliya, beesha Caalamka, IGAD, Midowga Afrika, iyo madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in Labada dhinac ay ka dhaadhiciyaan Afar qodob oo nabadda Gaalkacyo horseedaya.

22-ka bishii tagtay ee November ayaa dagaal u dhaxeeya maamullada Galmudug iyo Puntland waxa uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo Barakac.

Goobjoog News