U bood dhigaalka

Ciidamada maamulka Jubba oo howl gallo ka sameeyay deegaano ay la wareegeen

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka ku-meel gaarka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa howl gallo ka wada deegaanadii ay dhowaan la wareegeen ee gobalka Jubbada hoose.

Wararka laga helayo duuleedka Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada isgarabsanaya ay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Kabsuuma.

Ciidamada ayaa dar dar geliyay howl gallo lagu tilmaamay in ay ammaanka ku xaqiijinayaan kuwaas oo ay ka wadaan deegaanada Qaam-qaam, Yoontoy iyo Buulo-gaduud.

Adeegyada bulshada qaarkood ayaa meesha ka maqan sida isgaarsiinta waxaana wariyaha Goobjoog FM ee Jubbooyinka Mascuud Cabdullaahi uu soo sheegay in ciidanka ay waxyaabo badan gacanta ku soo dhigeen intii ay howl galladan wadeen.

Lama sheegin tirada dadka lagu soo qabtay howlgalkan.

Maamulka KMG Jubba ayaa kol hore sheegay in bartilmaameedkooda uu yahay degmada Jilib.