U bood dhigaalka

Ciiidamada Danab Oo Burburiyay Fariisimo Al-shabaab Ay Ku Lahayeen Gobalka Shabeelada Hoose

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa  ay ka soo baxayaan howl-gallo qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada Danab  ay ka fuliyeen deegaano hoostaga  gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-galladaan ay ciidamada Danab Sameeyeena ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Tooratoorow, waxaana  lagu soo warramayaa in lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Nuur (Beer-yare)  oo ah taliyaha ururka 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa sheegay in howl-galladaasi ay ku burburiyeen gaari lagu diyaarinayey walxaha qarxa, kaas oo uu tilmaamay in lagu dhibaateyn rabay shacabka.

Sidoo kale Gaashaanle  Beer-yare ayaa intaasi ku sii daray Hadalkiisa  in ay nolosha ku soo qabteen saddex ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaasi, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Sikastaba Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howl-gallada ay ka wadaan koonfurta & bartamaha Soomaaliya.