U bood dhigaalka

Clinton Oo Noqotay Murashaxa Xisbiga Dimoqoraadiga

Sheeko:Dalka

Hillary Clinton ayaa heshay codad ku filan, si ay u noqoto  Murashaxa Xisbiga Dimoqoraadiga ee doorashada Mareykanka ka dhaceysa sanadkan.

In kasta oo Clinton ay xaqiijisay 2,383  cod oo ahaa Numbarkii laga rabay hadana Bernie Sanders ayaa sheegay in aanu si sahal ah isku dhiibi doonin ilaa Xisbiga uu shir isugu imaanayo bisha soo socota.

Tiro isku daris ay sameysay AP ayaa imaanaya kahor doorasho ka dhici doonta California, Montana, New Mexico, North Dakota, South Dakota maanta oo Talaado ah.

Hillary Clinton ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horeysay ee u tartanta Xisbi ka tirsan siyaasadda Mareykanka.

Bisha dambe waxaa la filayaa in Xisbiga Dimoqoraadiga uu si rasmi ah ugu dhawaaqo cidda u mataleysa doorashada sanadkan.

Goobjoog News