U bood dhigaalka

Cilmibaaris Caalami ah: Sigaarka oo Sababtiisa Loo Dhinto 8 Ilbiriqsi Ee Kasta

Sheeko:Caafimaadka

Cilmibaaris caalami ah oo dhawaan soo baxday ayaa sheegaysa in sigaarku uu dilo qof ka mid ah 10 qof oo kasta, 8 ilbiriqsi ee kastana sababtiisa loo dhinto.

Daraasaddan oo ay hoggaamineyeen khubaro ka tirsan mac’hadka caafimaadka ee jaamacadda Washington ayaa waxay sheegeysaan in khatartu ay ka sii kordhi karto heerka ay hadda mareyso, xilli shirkadaha tubaakadu ay hadda suuqyada si weyn u soo galeen, gaar ahaan dowladaha soo koraya, daraasaddan ayaa lagu daabacay “The Lancet” khamiistii lasoo dhaafay.

Cilmibaaristan oo lagu eegayay dhibaatada caafimaad ee sigaarka ayaa waxaa laga sameeyay 195 dowladood inta u dhaxaysay 1990 illaa 2015, waxaa la faafiyay dhawaan, waxaana lagu ogaaday in 8 ilbiriqsi ee kasta dunida uu sigaarka u geeriyoonayo qof ka mid ah aadanaha, waana in kabadan cudurado ay ka mid yihiin AIDS-ka, Qaaxada iyo Duumada(malaariyada).

Daraasaddan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in Hal Bilyan oo qof ay sigaarka si maalinle ah ay u cabbaan  2015, iyadoo 4 rag ah uu sigaarka cabo mid ka mid ah iyo halka 10 dumarba Hal ka mid ah ay sigaarka cabto.

Daraasaddan oo goordhaw un daaha laga rogay ayaa lagu sheegay in 4 rag ah mid ka mid ah iyo 20 dumar mid ka mid ah ay halis ugu jiraan geeri lama filaan ah oo kusoo boodda ah(mowtu al-Faj’a), sandkii 6.4 milyan oo qof ayaa u geeriyootay sigaarka, dadkaa kala bar waxay ka tirsanaayeen 4 dal oo kala ah; Shiinaha, India, Mareykanka iyo Ruushka.

Cilmibaaristan ayaa tilmaantay in dowladaha qaar ay ku guuleysteen iney dadkooda ka dhaadhiciyaan sidii sigaarka ay iskaga joojin lahaayeen iyagoo u maray waddooyin ay ka mid yihiin, canshuur kordhin, barnaamijyo wacyigelin ah iyo xayaysiinno digniin ah oo lagu muujineyo khatarta sigaarka.

Emanuela Jacquido oo hoggaaminayay cilmibaarista ayaa yiri: “Iyadoo muddo nus Qarni ah laga joogo xilligii caddeyn loo helay khatarta caafimaad ee tubaakada, ayaa waxaa wali jira 4 qof ee dunida dusheeda ku nool in mid ka mid ah uu sigaarka cabayo!”.

Waxa uu intaa ku daray , “sigaarku waa kan Labaad ee ugu badan ee keena dhimasha iyo cimri degdegga dunida, si dhibaatadiisa loo yareeyo waxaa waajib ah inaan dadaalka iskugu geynno inaan yareyno faafintiisa iyo waxyaabaha dhiirigeliya”.

Sigaarka ayaa keena cudurro farabadan, tubaakadu iyadaa ah waxyaabaha keena cudurrada wadnaha, dhiigfuranka maskaxda, cudurrada kalyaha, xaaladda qofka cabaa marka ay sii xumaatana waxa uu isku bedelaa Kansa.

Goobjoog News