U bood dhigaalka

Ciraaq Oo Bilowday Hawlgalkii Ugu Dambeeyay Oo Ay Daacish Uga  Saareyso Mowsil

Sheeko:Dalka

Dowladda Ciraaq ayaa ka  bilowday hawlgal milatari oo ka dhan ah Kooxda Daacish, waa isku daygii ugu dambeeyay ee Daacish looga saarayo  magaalada Mowsil, halkaasi oo ay dowladdu dooneyso inay ka xoreyso ururkaasi.

Dowlaada ayaa uga digtay shacabka ku nool magaalada in ay iskaga baxaan oo ay ilaaliyaan naftooda, iyadoo arrintaani ay walwal ay ka muujinayaan hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha oo ah halwgalkaan cusub inuu geesto khasaaro ka dhan ah dadka rayidka.

Ra’iisulwasaaraha Ciraaq Xaydar Al-cibaadii ayaa horay u shaaciyay inuu ku rajo weynyahay in ciidamada ay dib u qabsan doonaan magaalada qadiimiga ah ee Mowsil.

Kumanaan dad rayid ah oo ku sugan magaaalada Mowsil ayaa waxay ka cabanayaan biyo yari iyo cunto la’aan intaas waxaa u sii dheer ma haystaan dadkaan goobo caafimaad oo ku filan.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa qaramada midoobay waxay sheegtay in dagaalka magaalada Mowsil inuu keenay inay qaxaan dad ku dhow 200 kun oo qof kuwaas oo iskaga hayaamay magaalada.

Sidoo kale in ka badan 70 kun oo shacab ah kuwaas oo ahaa dadkii deganaa magaalada qadiimiga ah ee Mowsil ayaa waxay iskaga baxeen magaalada tan iyo markii dowladda Ciraaq ay bilowday hawlgalka ay ku soo ceshaneyso magaalada bishii October ee sanadkii tagey.

Goobjoog News