Ciraaq Oo Laga Helay Xabaalo Wadareedyo Ay Ku Jiraan Meydad Badan

Madaxda Ciraaq ayaa waxaa ay heleen xabaalo wadareed ay ku jiraan ugu yaraan 400 oo Meydad meel u dhow magaalada Hawija taasi oo laga saaray bishii la soo dhaafay Daacish.

Guddoomiyaha gobolka Kirkuk Raakan Saciid ayaa waxaa uu sheegay in meydadkaan laga helay saldhigga circa ee ku yaallo duleedka magaalada Hawiji, waxaa uu intaasi ku daray in dadkaan qaar ay xirnaayeen dharka dadka rayidka ah, halka kuwa kale ay xirnaayeen dhar ay ku qasbeen Daacish.

Ciidamada Ciraaq ayaa sidoo kale waxay ka heleen goobaha ay maamuli jireen ururka Daacish xabaalo wadareedyo kale.

Sanadkii hore ayaa waxaa laga helay  qeybo ka mida Ciraaq xabaalo wadareeyo kuwaasi oo ay ku jireen  5200 -15 kun oo meydad ah.

Magaalada Hawija ayaa waxay ku taalaa waqooyiga magaalada Baqdaad waxayna masaafo dhan 240 KM u jirtaa caasimadda dalkaasi, waxaana dib u qabsaday ciidamada Ciraaq markii ay muddo maamulayeen ururka Daacish.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW