U bood dhigaalka

Cismaan Dubbe Oo Loo Doortay In Uu Ka Mid Noqdo Senatorada Aqalka Sare

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada kursiga Afaraad ee kuraasta Gobalada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare.

Kursiga Afaraad ayaa waxaa ku tartamay Musharixiinta kala ah Cabdikarin Maxamed Xasan iyo Cismaan Abuukar Dubbe.

Kursiga ayaa waxaa ku soo baxay Senator Cismaan Abuukar Dubbe oo helay 28 cod  , halka uu  Cabdikariin Maxamed Xasan uu helay 17 cod.

Waxaa sidaas kursiga Afaraad  ee doorahada Aqalka sare ee Somaliland ku soo baxay Cismaan Abuukar Dubbe.

Goobjoog News