U bood dhigaalka

Ciyaarta Finalka Tartanta Degmooyinka iyo Deegannada Gobolka Banaadir oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Amniga
Maamulka Ciyaaraha G/Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqay in Dib loo dhigay ciyaartii kama dambeysta ahayd oo ay maanta ku ballansanaayeen degmada Warta nabadda iyo deegaanka Gubadley oo noqotay deegaankii ugu horeeyay oo tiigsaday Finalka tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Ciyaaraha G/Banaadir mudane Haaruun Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciyaarta Finalka Degmooyinka ay la ciyaari doono 22ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah waxaana lagu ciyaari doonaa garoonka ENG Yarisow stadium ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.
Maamulka Ciyaaraha Gobolka Banaadir ma sheegin sababata ka dambeysay in la baajiyo kulanka, wararka aan la xaqiijin ayaa waxaa la sheegayaa in la sugayo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo safar ugu maqan Boqortooyada Sucuudiga.
Goobjoog News