U bood dhigaalka

Ciyaartoooyda Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Bilaaway Tababarka U Diyaar Garowga Tartmada Ay Ka Qeybgalayaan Sanada 2019 Ee Qaarada Afrika

Sheeko:Cayaaraha

Xidigaha xulka qaranka ee laga soo kala xulay kooxaha kubbadda cagta ayaa bilaaway tababarka u diyaar garowka tartamada kusoo fuud leh ee ay kaga qeyb galayaan sanada 2019 kuwaas oo ka dhacayo dalalka oo kala duwan oo qaarada Afrika.

Tirada lasoo xulay waxa ay iskugu jiraan kuwa qaranka u dheelistiisa ku cusub iyo kuwa ka qeyb ka ahaa sanadihii lasoo dhaafay,iyagoo kaalin wanaagsan ka qaatay guulihii tariikhiga uu xulkeena ka gaaray sanadkii lasoo dhaafay 2018, hadaba si aan wax badan ugu ogaano qarasha xulka ee 2019 waxaa warbixin kooban inaga siinaya Cabdiraxmaan Macalin Axmed Taree oo ka mid ah macalimiimta farsamada xulka ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.

Qaar ka tirsan ciyaartooyda loo soo xulay ayaa inoo waramay,iyagoo ka warbixiyay tartamada kusoo wajahan iyo hamigooda waxa uu yahay 2019,xili taageerayaasha Ocean Stars ayaa ku faraxsanyihiin qaab ciyaareed iyo natiijooyinka sareeya ee soo hooyeens sanadkii lasoo dhaafay

Mahad Xuseen Basey iyo Deeq Cabdiraxmaan Taree oo iminka u ciyaara kooxaha kubbadda cagta Heegan iyo L.L.P Jeenyo ayaa qeyb ka ah safka xulka labadan xidig iyo kuwo kale oo qeyb ka ah waxa ay ka mid ahaayeen ciyaartooydii wacdaraha ka dhigay koobkii da’yarta 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2018 ee ka dhacay wadanka Burundi markale waxa ay ku hami weynyihiin in dalkooda ay gaarsiiyeen meel aad u saraysa iyo in ay keenaan taariih kale.

Feysal Axmed Xasan oo iminka lix bil jooga magaalada Muqdisho qeybna ka ahaa ciyaartooydii qurbaha ugu imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhagalka bulshada si weyn usoo jiitay taageerayaasha xulka qaranka ayaa sheegay in Wadama uu ka hortagyo uu ka dhalin karo goolal badan maadaama bishii December 2018 saddexlay uu ka dhaliyay xulka Jabuuti inkastoo ciyaartaas ay aheyd mid saaxiibtinimo.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Diyaar Garowka Xulka Soomaaliya 2019

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/422835754944543/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle