U bood dhigaalka

Ciyaartoy La Weeraray Iyo Macalin Tababare Ah Oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Gaari ay la socdeen ciyaartoy Soomaaliyeed ayaa lagu weeraray xalay deegaanka calamada ee degmada Afgooye, sidaasi waxaa qortay SONNA.

Masu’uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Wakaalada SONNA u Sheegay in rasaasta uu ku geeriyooday Yuusuf Cali Xeydar oo ahaa Macalinka labaad Kooxda Bariga Dhexe, waxaana uu dhaawac soo gaaray labo ciyaartoy oo u ciyaara Kooxda Elman.

Labada ciyaartoy ee dhaawacantay ayaa lagu kala magacaabaa C/llaahi Mayow iyo ciyaaryahan lagu naaneyso Zimbaabwe.

Wararka Qaar ayaa Sheegay in Gaariga ay la socdeen ciyaartoyda uu ka baxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday degmada Afgooye.

Goobjoog News