U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Hore Puntland Oo Loo Magacaabay Guddoomiyaha Dhalinyaradda Iyo Isboortiga Gobolka Karkaar

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhalinyarada Maamulka Puntland mudane Jaamac Faarax Muuse ayaa Guddoomiyaha dhalinyarada iyo isboortiga Gobolka Karkaar u magacaabay Cabdiqani Maxamed Cartan Jaamac oo ka mid ah dhalinyarada ugu firfircoon Goboka,sidoo kalane hordy ugu soo ciyaaray kooxda Kubbadda Cagta Puntland

“Waxaan Hambalyo u dirayaa Cabdiqani Maxamed Cartan, guddoomiyaha cusub ee dhalinyarada iyo ciyaaraha Gobolka Karkaar,waa shaqsi aad u wanaagsan oo ka soo bixi kara xilka loo magaacay,waxaan u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Axmed Cabdalla Tigaana   oo ah Agaasimaha guud ee Wasaarada Ciyaaraha iyo Puntland.

Guddoomiyaha Cusub ee ciyaaraha iyo dhalinyarada waxa uu horay ugu mid ahaa xidigihii u soo ciyaaray kooxda kubbadda cagta Puntland ee ka qeyb gashay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku qabsoomaya magaalada Muqdisho.

“Waan u mahadcelinaynaa Wasiirka Ciyaaraha iyo Maamulka Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland oo igmaday xilkan culus,waxaan rajaynayaa in aan guul gaarsiiyo dhalinyarada iyo Isboortiga Gobolka Karkaar” ayuu Goobjoog Sports u sheegay mudane Cabdiqani Maxamed Cartan oo ah Guddoomiyaha dhalinyarada iyo isboortiga Gobolka Karkaar

Si kastaba saaxiibada iyo bahda ciyaaraha Puntland ayaa guul  iyo horomar u rajeeyay Guddoomiye Cabdiqani Maxamed Cartan,iyagoo sheegay in ay tahay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle