U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Maxamed Deeq “Ilaa Hada Jubaland Waa Kooxda Ugu Wanaagsan Tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Kooxaha Jubaland iyo Puntland oo wada ciyaaray kulan ka tirsan tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku heshiiyay barbaro goolal la’aan,balse labada kox kulankan ka hor ay wada ciyaareen fiinalaha tartanka sanadihii la soo dhaafay 2016,2017.

“Markaad garoon soo galayso,waxaad ku tala galayso in aad badiso,ama lagaa badiyo ama aad barbaro gasho,balse natiijada waxa ay ku dhamaatay barbaro 0-0,waxaan ku qanacsanahay ciyaar quruxoon ay soo bandhigeeen labada koox,Puntland qibrad ayay u lee dahay Tartanka waxaana rajaynayaa in aan tiigsano kaslama hore” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mustafe Cabdiraxmaan Majacase oo ah Xoghayaha Xiriirka Kubbadda Cagta Puntland

“Waxaan soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan,oo qancisay taageerayasheena,ilaa hada waxaan nahay kooxda ugu tayada sare ee lagu arkay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Deeq Cumar oo ka tirsan kooxda Jubaland.

“Dhamaan koox Maamul Goboleedyada si wanaagsan ayay sanadkan ugu diyaar garooween tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,runtiii Jubaland iyo Puntland dhowr jeer ayay wada ciyaareen kulamadan oo kale waxayna labada dhinac soo bandhigeyn ciyaar soo jiitay taageerayaasha labada dhinac,waxaan u mahad celinayaa shacabka Muqdisho sida wanaagsan ay not soo dhaweyeen” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Maxmed Cali Ciise (Ciiro) Guddoomiyaha Xiriirka K.Cagta Puntland

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle