U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Salaad Shiino “Wasiir Xamse Saciid Way Ka Go’antahay Horomarinta Isboortiga Soomaaliya”

Sheeko:Cayaaraha

Tan iyo markii bishii October 2020 Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya loo magacaabay mudane Xamse Saciid Xamse,waxaa bahda isboortiga dalka ay soo dhaweeyeen Wasiir Xamse iyo saxiibadiisa Wasaaradda,iyagoo sheegay in ay tahay taariikh weyn oo laga sameeyay horomarka ciyaaraha dalka,madaama Xamse Saciid Xamse uu horay ugu soo dheelay kooxda Dekedda iyo Xulka Qaranka.

“Runtii tan iyo markii la magacaabay Wasiir Xamse Saciid bahda isboortiga aad ayay ugu gorfeeyeen baraha bulshada,waxaana ciyaartooydii hore ay aad ugu farasanyihiin jagada loo doortay Wasiir Xamse oo noqonaya shaqsigii ugu horeeyay ee u soo ciyaara Xulka Qaranka oo loo dhiibo Wasaarada Isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliya” ayuu ciyaaryahan hore Salaad Shiino u sheegay warbaahinta.

“Aqoon wanaagsan ayaan u lee yahay Wasiir Xamse,waxaan kusoo wada kornay hal meel waa shaqsi aqlaaq wanaagsan oo dadka ixtiraama,waxaan u rajaynaa guul iyo horomar” ayuu sheegay Cali Maxamed Ciise (Cali Gurey) oo ay soo wada ciyaareen Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya Mudane Xamse Saciid

“Wasiir Xamse waxaan ku soo wada kordhinay hal meel waa nin aad u wanaagsan oo dadka qadariya,runtii aqoon wanaagsan ayuu lee yahay ciyaaraha Soomaaliya,waxaana ka rajaynayaa in uu tayayeeyo Wasaarada Isboortiga dalka” ayuu Goobjoog u sheegay ciyaaryahankiin hore Soomaaliya Saciid Jaamac Cali (Qorsheel).

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle