U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Sarqaawi “Waligay Waxaan Ahaan doonaan Ciyaaryahan Galmudug”

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaaryahanka kooxda Kubbadda cagta Galmudug Maxamed Maxamuud Sarqaawi ayaa sheegay in uu ku faraxsanahay horomarka uu ka sameeyay kubbadda cagta iyo heerka uu la gaaray kooxdiisa Galmudug ee kaalinta labaad ka gashay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,wuxuuna intaa ku daray in uu waligiisa ahaan doono xidigaha ka tirsan Galmudug.

“Waligay waxaan ahaan doonaan ciyaaryahan Galmudug,waxaana hadii aanu nahay ciyaartooyda Galmudug inaga go’an in aan sanadaha soo aadan matalno Galmudug” ayuu warbaahinta ciyaaraha u sheegay ciyaaryahan Maxamed Sarqaawi.

Daawo Sarqaawi Oo La Hadlay Taageerayaasha Galmudug

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle