U bood dhigaalka

Ciyaaryahan Xasaasi “ Wasiir Duraan Faarax Ayaa Door Weyn Ku Lahaa In Aan Ku Biiro Kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka”.

Sheeko:Cayaaraha

Laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya Xasan Cabdi NuurXasaasi” ayuu ku biiray kooxda Kubbadda cagta Gadiidka, waxaana heshiiska laacibkan lagu soo bandhigay garoonka Stadium Muqdisho, waxaana laacib Xasaasi si weyn u soo dhaweeyay taageerayaasha iyo maamulka sare ee kooxda Gaadiidka.

“Ciyaaryahan Xasaasi waa laacib aad u wanaagsan ku soo biiritaankiisa kooxda Gadiidka waxay nooga dhigantahy guul weyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Bile oo ka mid ah Maamulka kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka.

Laacib Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi) waxa uu sheegay ku biiritaankiisa kooxda Gaadiidka uu kaalin weyn ku lahaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Duraan Faarax oo horay u so noqday Xoghayihii Guddiga Olombikada Soomaaliya.

“Wasiir Duraan Faarax kalin weyn ayuu kulahaa in aan ku biiro kooxda kubbadda cagta Gadiidka, sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa madaxda, ciyaartooyda iyo taageerayaasha kooxda Gadiidka sida wanaagsan ay ii soo dhaweeyeen” ayuu isna Goobjoog Sports u sheegay ciyaaryahanka kooxda Gaadiidka Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi).

Saxiixa laacib Xasaasi waxaa isku haystay kooxaha waaweyn ee dalka, balse Maamulka Gadiidka ayaa dhaqaalo weyn ku soo iibsaday laacibka ugu wanaagsan kubbadda cagta Soomaaliya mudane Xasan Xasaasi.

“Helitaanka Xasaasi waxay nooga dhigantahay in aan guul weyn ka samaynay suuqa kala iibsiga, waxaana arintan ku mahadsan maamulka sare iyo Wasaaradda Gaadiidka ” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Sakariye Cabdi Abshir oo ka tirsan Maamulka kooxda Kubbadda Cagta Gaadiidka.

Ugu danbeyntii laaacib Xasaasi wuxuu guul iyo horomar u rajeeyay kooxdiisa cusub, isagoo taageerayaasha Otobaarka u balan-qaaday in uu kula guulaysan doono koobabka waaweyn ee kubbadda cagta.

“Jaceylka aan ugu soo biiray kooxda Gadiidka ayaa tusaal wanaagsan u ah guulaha iyo horomarka ay kooxda tiigsanayso” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay laacib Xasan Cabdi Nuur (Xasaasi).

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Xasaasi

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/ciyaaryahan-xasan-xasaasi-horomarka-iyo-guulaha-aan-ka-gaaray-kubbadda-cagta-waxaa-sabab-u-ahaa-dhiirigelinta-xaaskayga/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle