Ciyaaryahanka u dhashay dalka Togo ee Emmanuel Adebayor ayaa waxa uu si rasmi ah u noqday shaqsi Muslim ah ka dib markii loo qabtay Towxiidka sida lagu shaaciyay Youtube.
Â
Laacibkan ayaa lasoo bandhigay isaga oo loo qabanaayo Shahadada ka dibna la barayo sida salaada loo tugado iyo arimaha looga baahan yahay marka uu soo Muslimo.
Â
Emmanuel Adebayor ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu noqday qof Muslim ah waxa uuna cadeeyay in Diinta Islaamku ay tahay Raxmad ama Naxariis.