U bood dhigaalka

Ciyaaryahannada Xulka Qaranka oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciyaaryahannada xulka qaranka Soomaaliya 17-sano jirada, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta ugu sareyso dalka.

Kooxda ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ku soo dhaweeyay maamulka gobalka banaadir, xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ciyaarhanada ayaa loo gudbiyay madaxtooyada qaranka, halkaas oo uu  madaxweynaha ku guddoonsiiyay bilad sharaf, sidoo kalena madaxweynaha loogu geeyay koobki ay Soomaaliya ku soo guulaysatay.

Tuulada ciyaaraha dalka ee Muqdisho Stadium, ayaa lagu balamiyay shacabka Soomaaliyeed, halkaas oo loo galbinayo ciyaaryahannada guusha keenay iyo macalimiinta, waxaana sidoo kale lagu wadaa in fantisyaha ay ka soo qaybgalaan madaxda ugu sareyso dalka.

Goobjoog News