U bood dhigaalka

C/kariin Guuleed “ONLF Uma Aqoonsani Argagaxiso”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa iska fogeeyay inuu jiro heshiis uu Itoobiya la soo galay oo ku saabsan in la isweydaarsado maxaabiis.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay go’aanka xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxa uu sheegay in heshiiskii Jigjiga uu ahaa mid laba beelood islamarkaana uusan jirin heshiis laba dolwadeed.

Arrinta xukuumadda ayuu ku sheegay in ay tahay nin daad qaaday xumbo cuskay, arrinta ONLF loogu yeeray Argagixiso ayuu tilmaamay mudane Cabdikariin Guuleed in ururkaasi yahay urur xaq u dirir ah oo dhul Soomaaliyeed u dagaallamaya.

“Waxaa wax lala yaabo ah War-murtiyeedka kasoo baxay xukuumadda, walibana magacayga kusoo baxay, waxaan rabaa inaan cadeeyo ma jirin heshiis aan dowladda ku metalayo oo aan la galay Itoobiya, waxaan kala hadalnay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya xiisad ka jirtay oo aan ku tagnay annaga oo Galmudug ah, midda kale ONLF uma aqoonsani argagaxiso, waxaan u aqoonsanahay dad xaq u dirir ah iney yihiin” ayuu yiri Guuleed.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay oo Arbaco ahayd waxay sheegtay in Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyey Itoobiya yahay waxa loogu yeero argagaxisada kana tirsan ONLF, lana shaqeynayey Al-shabaab.

Goobjoog News