U bood dhigaalka

CNN: Diyaaradda Itoobiya Waxay Hub u Kala Gooshisay Adis iyo Asmara Si Tigrey Loogu Laayo

Sheeko:Amniga

Xilli Abiy Axmed uu wajahayo eedeymo xusuuq oo dhan ah Tigeyga ayaa warbaahinta afka dheer ee CNN waxaa ay baahisay in diyaaradda Itoobiya ay hub u kala gooshisay Adis Ababa, Asmara iyo xataa  Massawasi loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah Tigeyga.

Sida lagu sheegay warbixinta, diyaaraddan oo ah mid ka mid ah diyaaradaha ugu faa’ido sameynta badan Afrika waxay hub u kala qaaday labada dal todobaadka ugu horeeyey ee November 2020.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya uu markii 2-aad isu caleemo saaray hoggaanka dalkaasi.

Sida ay warbixinta sheegeyso, diyaaradda waxaa ay u kala qaaday  Addis Ababa iyo Asmara November 9, daad-gureyntan oo ay wadday ilaa November 28, waa shan maalin kadib markii uu Abiy Axmed amray dagaal ka dhan ah Tigray.

Fadeexaddan cusub ee kusoo baxday diyaaradda Itoobiya ayaa saameyn ku yeelan doonta magaca shirkadda iyo ganacsigeeda caalamiga ah.

Goobjoog News