U bood dhigaalka

Coca-Cola oo lagu eedeeyay Been Abuur ku saabsan Is Caateynta

Shirkadda Biyaha ugu caansan ee Coca Cola ayaa dhawaan taageertay Xayeysiin loo sameeyay Is Caateynta iyo in dadka caafimaadkooda ilaaliyaan.

Shirkadda oo kaashaneysa Culmio iyo khubaro waxaa ay hanti badan siisay Global Energy Balance Network, waxaa ay sidoo kale dadka ku dhiirigalisay Diet-ka iyo in la is caateeyo iyo in muhiimadda la siiyo Ciyarta.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in shirkadda Coca Cola ay sameysay marin habaabin iyagoo ku eedeeyay in shirkaddan ay sameyso Cabitaan Sokor ku jirto oo ay mas’uul ka tahay shuluqnimada iyo buurnaanta.

Dadka ayaa intaa ku daray in shirkadda Coca Cola ay raadineyso sumacad iyo in magaceeda ay ka dhaqdo in cabitaankeedaqeyb ka yahay Buurnaanta dadka.

Lakin dadka kale ayaa qaba in aay Buurnaanta dusha laga saari Karin cuntada fudud iyo Cabitaanada sida Cocada lakin qofka ay ku xiran tahay daryeel la’aantiisa.

Doodadan ku saabsan Cocoa Cola ma saacidaa Buurnaanta kama jirto oo kaliya Mareykanka ee waxaa jiro wadamo badan oo arinkaas laga rumeysan yahay, waxaana la sheegayaa in ay adagtahay in shirkaddan ay dadka u sheegto siyaabo la isku caateeyo iyagoo cabaya Coco Cola.