U bood dhigaalka

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw xarunta madaxtooyada Ximan iyo Xeeb ka bilaabatay u codeynta musharraxiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, ka dib markii musharraxiinta ay dhameeyeen khudbadihii ay jeedinayeen.

Xildhibaanada magacyadooda ayaa la yeerinayaa si ay u codeeyaan, waxaana howlka ku sugan dhamman mudanayaasha baarlamaanka Galmudug.

Codeynta waa mid qarsoodi ah, waxaana xildhibaanka markii magaciisa la yeeriyo uu meel gaar ah la tagayaa warqadda la siiyo ee codeynta, isaga oo intaasi ka dib u codeyn doona musharraxa uu codkiisa siinayo.

Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug waxaa u taagan Seddax musharrax, waxaana xigi doonta doorashadaan midda gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News