U bood dhigaalka

Col. Cali Xumad oo Sheegey In Uu Yahay Afhayeenka AMISOM

Sheeko:Dalka

Col Cali XumudKadib markii ay soo baxday warqad lagu sheegayo in Col. Cali Xumud uusan AMISOM u ahayn afhayeen ayaa waxa Goobjoog u suurogashay in aan xiriir la samayno Cali.

Cali Xumud ayaa Goobjoog u xaqiijiyey in uu isaga wali yahay afhayeenka AMISOM, islamarkaasina Midoowga Afrika uu usoo magacaabay xilkaasi, aysanna jirin wax war ah oo uu ka heley dhanka Midoowga Afrika.

Col. Xumad ayaa sheegey in uu shaqadiisa sii wadanayo illaa Midoowga Afrika uu xiriir ka helayo.

Warqadda xalay soo baxday oo laga soo direy ciwaan Gmail ah ayaa muran badan ka dhalisey dadka dhexdooda maadaamaa horey emailada rasmiga ah laga soo diri jirey ciwaan AU ah.

Waxa ay dadka isweeydiinayeen oo kale “Kuma ayaa ah afhayeenka AMISOM?”.

Inta aan ka warheyno waxaa afhayeenka AMISOM labadii sano ee lasoo dhaafayba ahaa Col. Cali Xumad oo ka socda dalka Jabuuti oo ciidamo ka socda ay AMISOM ka tirsanyihiin iyo sidoo kale Eloi Yao oo dalka Kenya u dhashay.

Goobjoog News