U bood dhigaalka

Col. Dhuunkaal: Saax-dheer Somaliland ayaa qabsatay…Haddii dhibka nagala deyn waayo waxaan iman doonaa Xamar

Sheeko:Dalka

Col Maxamed Maxamud Dhuunkaal Ayaa Idaacadda Goobjoog FM u sheegay in ay Salaxdheer kala wareegeen Khaatumo maanta abaarihii 4:30 galabnimo ee xiliga Geeska Afrika iyagoo  doonayey in ay baabi’yaan Caleemo saarka halkaas ka dhici rabay waa siduu hadalka u dhigaye.

Mas’uulka ayaa  carrabaabay inay maxaabiis kasoo qabteen dhanka kale iyaguna uu soo gaaray dhimasho hal qof ah, dhankaas iyo Itoobiya ayey u carareen ayuu intaasi ku daray.

Dhuunkaal ayaa    carabta ku dhuftay in dhulkaas uu yahay dhul Somaliland isla markaana aan lagu qaban Karin wax shir ah, isagoo sheegay haddii dhibka laga deyn waayo ay imandoonaan Xamar.

Dhinaca kale gudoomiyaha Baarlamaanka Khaadumo State of Somalia Maxamud Sheekh Cumar oo ay Goobjoog la xidhiidhay ayaa meesha ka saaray Hadalka Somaliland isagoo  sheegay in raggaas iyo Salaxdheer ay u dhaxeyso masaafo, Joogitaanka ay sheegay Somaliland   inay ku sugan tahay Gudaha Salaxdheer ayuu ku tilmaamay Cumar mid been iyo khiyaali ah.

Gudoomiya Baarlamaanka Kaatumo ayaa isku dhaca ku sheegay mid labo ciidan oo Sahan ahaa ay  isku dhaceen,  Hal nin ayaan ka dilnay Somaliland labana waan ka dhaawacnay ayuu intaa raaciyay, isagoo carabka ku adkeeyay in caleemo saarka uu Salaxdheer ka dhici doono maalainta Khamiisa ee soo socota.