U bood dhigaalka

Colaadda Magaalada Gaalkacyo Oo Saameysay Adeegyadii Bulshada Ee Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in adeegyadii bulshada ee magaaladaasi aysan u shaqeynin maalmahan sidii caadiga ahayd.

Wixii ka dambeeyay markii ay dib uga soo cusboonaatay galbeedka magaalada Gaalkacyo colaadda u dhaxeysa maamullada Galmudug iyo Puntland dadkii shacabka ahaa ayaa isaga baxay magaaladaasi.

Magaalada labadeeda dhinac ayaa ah kuwa haawanaya islamarkaana dadkii deganaa isaga cararay colaadda darteed waxayna dadka aadeen duleedyada magaaladaasi oo qaar badan oo kamid ah ay u tacdareysan yihiin.

Suuqa ugu weyn ee magaalada Gaalkacyo ee la yiraahdo Daryeel ayaa waxaa jirin shaqo toos ah oo ka socota, waxaana sidoo kale la arkayaa goobo ganacsi oo fara ku tiris ah oo xiliyada qaar shaqeeya halka marmarna aynaan shaqeynin wax adeeg ganacsi ah.

Dhanka kale, dhammaan goobaha waxbarashada ee magaalada Gaalkacyo ayaa xiran kadib markii dadweynihii magaalada degannaa ay isaga barakaceen.

Dadaallo nabadeed ayaa ka soconaya magaalada Gaalkacy oo lagu doonayo in lagu nabdeeyo galbeedka Gaalkacyo wallow la soo sheegayo in ay jiraan guddiyo ka kala socda Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo wada hadal u jooga, inkastoo Puntland beenisay.

Xaaladda magaalada iyo dhanka galbeed ayaa iska deggan marka laga reebo ciidamada labada dhinac oo ishorfadhiya weli goobihii lagu diriray.

Goobjoog News