U bood dhigaalka

Colombia: Boqorkii Labaad Ee Daroogada Aaduunka Oo Gacanta Lagu Dhigay

Sheeko:Amniga

Dowladda colombia ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay burcadkii ugu weyna ee daroogada Dairo Antonio, kaas oo mudda dheer dowladdu ay baadi goobeysay.

Otoniel, oo 50 jir ah, ayaa lagu qabtay hawlgal loogu magac daray Osiris oo ka socday miyiga gobolka Uraba ee Kolombiya.

Colombia ayaa horay ninkaan madaxiisa u dul dhigtay adduun lacageed gaaraya seddax milyan oo abaal marin ah ciddii soo sheegta xogtiisa halka mareykanka uu horay ninka u duldhigay madaxiisa 5 milyan.

Dairo Antonio, ayaa loogu yeera in uu yahay boqorkii labaad ee darooga kadib Pablo Escobar oo ahaa aabihii ka ganacsiga maandooriyaha.

Madaxweynaha colombia Ivan Duque ayaa sheegey in tan eey tahay “guulweyn oo laga gaarey la dagaalanka Burcadka”.

Goobjoog News