U bood dhigaalka

Comey: Trump Anshax Ahaan Uma Qalmo Madaxtinimada

Sheeko:Dalka

Kadib markii uu madaxweyne Donald Trump silsilado dhaleecayn ah uu huwiyay maamulihii hore ee F.B.I James Comey bartiisa Twitter-ka, isagoo ka soo horjeeda qoraalka ku daabacan buug uu soo wado, ayaa Comey uu ugu jawaabay Trump wareysi uu bixiyay Axaddii Shalay.

Comey oo wareysi gaar ah siiyay Chanel-ka ABC ayaa sheegay in Trump uu yahay “Anshax ahaan qof aan u diyaarsaneyn inuu Mareykanka maamulo, ma rumeysni sheekooyinka tilmaamaya in Trump caqli ahaan buko ama uu marxalad hore oo Asaasaqa ah marayo, laakiin waxaan aaminsahay inaanuu u diyaarsaneyn Anshax ahaan si Mareykanka u sii maamulo.”

Waxa uu carrabka ku adkeeyay; “Iney lagama maarmaan tahay in madaxweynuhu uu tusaale fiican u noqdo dhanka akhlaaqda, qiimaha akhlaaqda waxaa ugu muhiimsan xaqiiqada. Madaxweynahan ma awoodo arrintaas[Inuu xaqiiqada sheego].”

Buugga Comey oo ka kooban ilaa 300 oo bayj, ayaa waxaa cinwaankiisu yahay “Daacadnimada ugu Weyn: Xaqiiqooyinka, Beenta iyo Sheegashooyinka”, waxa uu dib u xasuusanayaa 20-kii sano ee noloshiisa, waxa uu soo maray Xeerilaaliyaha Guud ee New York, kadib kaaliyaha Wasiirka Cadaaladda ee maamulkii George W. Bush, kadib agaasimaha FBI inta u dhaxaysay 2013 ilaa 2017.

Goobjoog News