U bood dhigaalka

Congress-ka oo Dib u Shaqo Bilaabay iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Ka Hadlay Rabshada

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Penc ayaa waxaa uu ka hadlay rabasho xalay ka dhacay  Congress-ka kadib markii taageerayaasha Trump ay gudaha u galeen aqalka, shaqana joojiyeen taasi oo keentay iney isku dhacaan ciidamada amniga oo khasaare ka dhasho.

‘ Caasimadda waa nabad, shaqada caadi ayey kusoo noqotay, waan cambaareyneynaa wixii dhacay, waxaan u mahadcelineynaa raggii iyo haweenkii shaqeeyey’.

Dhanka kale, waxaa caadi kusoo noqday shaqada Congress-ka, waxaa uuna madaxweynaha ku xigeenka hadalkiisa kusoo gabagabeeyey ‘aan shaqada dib ugu laabanno’.

Goobjoog News