U bood dhigaalka

Coronarirus oo Kusoo Laba Kacleeyay Wadanka Jabuuti

Sheeko:Caafimaadka

Wasaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta shaacisay in 280 kiis oo cusub oo Fayraska Corona ah dalkaasi laga helay saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

Tiraddaasi ayaa ah mid sarreysa marka loo eego todobaadyadii la soo dhaafay oo uu dalkaasi u muuqday mid guul ka gaaray xakameynta Fayraska.

Dowladda dalkaasi ayaa shaacisay in 26,366 qof oo ay ka baartay cudurka laga helay 3,194 qof, halka 1,286 dadkaasi kamid ah ay ka biskoodeen xanuunka waxaana  ugu dhintay dalkaasi  hadda dad gaartay 22 qof.

Jabuuti oo tirada dadkeeda lagu sheego inay ku dhawdahay milyan qof ayaa waxa ay diiwaangelisay kiisaska ugu badan ee Bariga Afrika.

Jabuuti ayaa dhawaan khafiifisay xayiraad ay dalkeeda kusoo rogtay Fayraska Korona awgii, waxaana khubarada caafimaadku ay sheegayaan in shacabka badankood aanay fulin talooyinka caafimaadka ee ay kamidka yihiin gacma dhaqashada iyo kala fogaanshaha.

Goobjoog News