U bood dhigaalka

Coronavirus oo Sababay Sare u Kaca Guurka Kuwa Aan Qaan-gaarka Ahayn Gudaha Itoobiya

Sheeko:Caafimaadka

Gobollo ku yaalla deegaanka Amxaarada oo ka tirsan dalka Itoobiya marki iskuullada Coronavirus dartii loo xiray waxaa si weyn u kordhay guurka aan qaan-gaarka ahayn.

Wasaaradda haweenka, dhalinyarada iyo carruurta ee u xil saaran ka hortagga caadooyinka xunxun ee loo geysto gabdhaha yaryar ee lagula kaca guurka aan qaan-gaarka ahayn waxay sheegtay dugsiyada xiran iney dhibaatada sii huriyeen.

Ku xigeenka wasaaraddaasi Selaamaawiit Alamaayehu waxay sheegtay inta dugsiyada waxbarashada loo xirin cudurka safmarka ee Coronavirus xogta gabdhaha falalkaasi lagula kaco ay ka heli jireen maamulada dugsiyada iyo macallimiinta dugsiyadaasi wax ka baro.

Balse hadda maadaamaa ay goobihi waxbarashada xiran yihiin ay adag tahay in si fudud xog loo helo.

Aroosyada guurka aan qaan-gaarka ahayn ee dhici jiray wixi Coronavirus ka horreeyey si fudud ayaa loola socon jiray balse hadda aroosyada dhacayo laftooda waxay dhacaan iyada oo aan xogtooda la helin.

“Wasaaradda oo kaashaneyso guddiyada ka hortagga Coronavirus waxay haatan billaawday iney guri ka guri xog uga raadiso gaar ahaanna goobaha sida aadka ah uu uga dhacayo guurka aan qaan-gaarka ahayn” ayey tiri.

“Xogta ay wasaaraddu heshayna dhibka wuxuu ku badan yahay oo si aad ah uu uga jiraa gobollada Koonfurta Goonder iyo Bariga Gojam.”

Desaalegn Bitew oo maamula ka ah mid ka mid ah dugsiyadaasi hoose ee gobolladaasi ka jira wuxuu sheegay “waagi hore xog ku saabsan guur aan qaangaar ahayn waxaan ka heli jirnay ardayda gabdhaha ee lagula kaca iyo saaxibbadood. Xogta mrkaan helno oo aan xaqiijinno iney sax tahayna waxaan laamaha dowliga ee ay quseeyso si looga hortago guurka aan qaarka ahayn ee dhici lahaa.”

“Goobaha waxbarashada ee Coronavirus dartii loo xirayna wuxuu sababay inaan xog nagu filan helin maadaamaa ay ardayda iyo macallimiintaba ay imanin goobaha waxbarashada.”

Deegaankaasi seddexdi sano ee ugu dambeysay waxaa ka socday olole ballaadhan oo gabi ahaanba lagu joojinayo guurka aan qaan- gaarka ahayn.

Sanadki tagay ee 2019-kii waxay wasaaraddu sheegtay in la joojiyey in ka badan 5,800 guur aan qaan gaar ahayn.

Goobjoog News