U bood dhigaalka

Cosoble iyo Maamulka Cusub ee Hirshabelle oo Ku Kala Aragti Duwan Amni Darrida Ka Jirta Waddada Muqdisho-Jowhar

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in amni xumida ka jirta waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay tahay mid siyaasadeysan, isaga oo intaas ku daray in waqtigii isagu joogay ay ka liidato xiligan, maadaama aysan madaxdu mari karin inta u dhaxeyso labada magaalo.

Cali Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey VOA-da ayaa yiri” Waqtigii aan joogay xilidhibaannadu waqtigii ay doonaan ayey horay iyo gadaal ugu socdeen, haddii ay doonaan in ay wax dhaqaajiyaan xiligii ay doonaan ayey inta isdaba kacaan ayey Jowhar  u dhaqaaqayeen” .

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato ayuu yri “Laakiin hadda waxaa ay noqotay in xildhibaannadii ay xayiran yihiin ilaa markaas la helo diyaarad, oo madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenka u kireysan oo 50 xildhibaan iyo wax qaado, ayadoo la ogyahay dadka la qaadayo iyo waxa ay u socdaan iyo barta loo qaadayo ee Jowhar.  Arrimahaas waxaa ay kuu muujinaayaan siyaasad iyo xildhibaannada la xakameeyo  ay ka mid tahay sabata waddada loo dayacay, hadda Xamar ayey dhooban yihiin,” .

Dhanka kale, wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo dhankiisa la hadlay VOA-da ayaa xusay in amni xumada wadada ay ugu wacan tahay Ashabab badan oo soo galay deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo kasoo gudbay gobolka Shabeellaha hoose oo uu ka socdo howlagallo  sida uu isagu hadalka udhigay wasiirku.

” Ma jirto wax siyaasad ah oo wadadaas ay u xiran tahay,  aniga ayaa kuu sheegaayo, laakiin mararka qaar weerarro waa ay ka dhacaan, weerarradaasna mararka qaar khasaaruhu waa bataan mararna khasaaruhu waa yar yahay, dhibka waxaan kala mid nahay magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee Soomaaliya oo sidaas ay wax uga dhacaan, majirto wax siyaasad ah oo ay u xiran tahay wadadaas,ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle.

Wadada xiriirisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Jowhar ayaa waxaa inta badan ka dhaco weerarro ay la kulmaan mas’uuliyiinta ku safraya wadadaasi, waxaana ugu dambeysay dhacdadii lagu lagu dilay xildhibaan lagala degay gaari uu saarnaa iyo dhaqaatiirtii lagu laayey deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Goobjoog News