Cosoble Oo Gaaray Jowhar

Cali C/laahi Cosoble, oo shalay xildhibaanno kamid ah baarlamaanka Hirshabelle ka qaaden xilka madaxweynenimo ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Cosoble oo ay wehlinayaan wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa hadda waxay kulan ku leeyihiin madaxtooyada Jowhar, waxaana ay ka hadlayaan arrinta la xiriirta xil ka qaadistiisa.

Dhanka kale, waxaa maanta magaalada Jowhar ku laabtay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Maxamed Barre, waxaana lagu soo dhoweeyay garoonka degmadaasi.

Weli Mas’uuliyiintan tagay Jowhar kama aanay hadal wixii shalay dhacay iyo go’aanka ay gaareen inta badan xildhibaannada Hirshabelle.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW