U bood dhigaalka

Cosoble: Soomaaliya Waa Mid Hal Madaxweyne Ayeeyna Leedahay (Maqal)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in Soomaaliya ay mid tahay, islamarkaana uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, kadib hadal uu ka jeediyey munaasabad xalay ka dhacday magaalada London.

Wuxuu sheegay Cosoble in shacabka Soomaaliyeed uu u sheegayo in dalka uu gaaray horumar, dowladnimadu meel wanaagsan ay mareyso, wax harayna ay kala shaqeyn doonaan dowladda Federaalka ah.

“Waxaan halkaan usoo istaagay inaan idiin xaqiijiyo aniga iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kale aan ku wada soconnaa iney Soomaaliya mid tahay, Hal madaxweyne ay leedahay, Soomaaliya haddii la qeybinayo Guemeysiga horey inoo qeybiyey , dalkii aan ka nimid wuu isa soo tarayaa, dowladnimadii waa ay soo noqoneysaa, waxa yar ee dhimanna waxaan ku daba feelannahay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.

Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabelle ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qurbejoogta iney ka qeybqaataan horumarinta dalka, ka shaqeynta amniga iyo garabsiinta dowladda Federaalka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweynaha Hirshabelle

Goobjoog News